IRAQ: Daacish oo burburisay Buundooyinkii Mosul

Published: January 13, 2017

Kooxda Xagjirka ah ee Daacish ayaa lagu soo waramayaa inay maanta oo Jimce ah burburiyeen buundooyinkii isku xiri jiray magaalada Mosul ee dalka Ciraaq.

Falkan ayaa ah mid kooxdan ay dooneyso inay uga hortagto duulaanka ciidamada Dowlada Ciraaq oo hada la wareegay inta badan xaafadaha ku yaal bariga magaaladaasi Mosul oo xarun u ahayd Daacishta Ciraaq.

Saraakiisha Militariga Ciraaq ayaa sheegaya in 85% ay la wareegeen bariga magaalada Mosul oo ay dagaalo ka socdeen todobaadyadii lasoo dhaafay.

Maleeshiyaadka Daacish ayaa awoodooda isugu geeyey Galbeedka magaalada iyagoona hada jaray buundooyinkii isku xirayey bariga Mosul iyo xaafadaha ay ku xoogan yihiin ee Galbeedka ku yaal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *