Isbaheysiga garabka bidix ee Jarmalka ayaa burburay Arbacadii kadib markii Raysal-wasaaraha Olaf Scholz uu shaqada ka…
Isbaheysiga garabka bidix ee Jarmalka ayaa burburay Arbacadii kadib markii Raysal-wasaaraha Olaf Scholz uu shaqada ka ceyriyay Wasiirkii Maaliyadda Christian Lindner sababo la xiriira khilaafyada siyaasadda dhaqaalaha.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Berlin, Raysal-wasaare Scholz wuxuu si weyn u dhaleeceeyay Lindner inuu horjoogsaday dadaalkiisa ku aaddan inuu tanaasul ka sameeyo miisaaniyadda iyo siyaasadda dhaqaalaha ee dowladda.
Saaka oo Arbaca aheyd, Scholz wuxuu wadahadalo xasarad leh la yeeshay hogaamiyayaasha xisbiyadda Social Democrats, Greens iyo Free Democrats si ay uga heshiiyaan khilaafaadkooda miisaaniyada, siyaasadda dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Hogaamiyaha Jarmalka ayaa sheegay in burburkii isbaheysiga kadib, uu hadda la tashan doono xisbiga ugu weyn mucaaradka Christian Democrats (CDU/CSU) uuna ku baaqi doono in codka kalsoonida loo qaado si loo qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyo.
“Usbuuca ugu horreeya ee kalfadhiga baarlamaanka ee sanadka cusub, waxaan horgeyn doonaa codka kalsoonida si baarlamaanka Bundestag uu u codeeyo Jan. 15, si xubnaha Bundestag ay go’aan uga gaaraan doorashooyinka. Doorashooyinkani waxa ay dhici karaan ugu dambayn dhamaadka bisha March 2025, iyada oo ku xidhan wakhtiga kama dambaysta ah ee ku qeexan sharciga,” ayuu yidhi.
Horseed Media