Isbitaalka Beledweyne oo qarka u saaran inuu xirmo iyo wasiiro booqday

Published: November 5, 2019

Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xiligaan uu ku dhow yahay in uu xirmo,kadib fatahaada Wabiga Shabeelle iyo Roobab ka da’ay Magaalada Baladweyne oo biyo dhigay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre kana mid ah guddiga gurmadka fatahaadaha iyo Wasiirada Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxaa ay booqdeen Isbitaalka Baladweyne oo xilligaan uu ka socdo howlo Biyaha looga saarayo.

“ Waxaan kormeer ku tagay isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan oo dhallinyaro isku xilqaamay ay ku guda jiraan sidii biyaha dhex fadhiya looga saari lahaa si bulshadu ay isbitaalka uga helaan adeeg caafimaad oo dhameystiran ayuu yiri ”

Wasiir Goodax Barre.

Sidoo kale wasiirka ayaa ugu baaqay  cid kasta oo gacan ka geysaneysa  ololaha biyaha looga saarayo isbitaalka ay soo dhaweynayaan ,isla markaana garab la siindoono.

Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay mid aan wanaagsaneyn, waxaana saakay markale xirmay garoonka diyaaradaha, kadib roob mudo ka badan 8 Saacadood ka da’ayay magaaladaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *