Isbitaalka Guud ee Degmada Balcad oo 30 sano kadib dib loo furay.

Published: March 13, 2020

Munaasabada xariga looga jarayay isbitaalka Guud ee degmada Balcad ayaa si rasmi ah xariga looga jaray kadib muddo soddon sano oo uu burbursanaa isbitaalka, mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle, Maamulka degmada Balcad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb-galay furitaanka Cusbitaalkaan.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasin Cali Nuur oo xariga ka jaray dhismaha isbitaalka oo ay suurtogeliyeen bulshada ku nool degmada Balcad iyo qurbojoogta ka soo jeeda degmada, Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay dadkii ka qeybqaatay dhismaha isbitaalka oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Xasan Maxamed Xaaji oo dadaal dheeraad ah ku bixiyay sidii dib loogu furi lahaa isbitaalka.

XIldhibaan Xasan Maxamed Xaaji oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in muddo toban sano ah ay wadeen sidii loo dhisi lahaa isbitaalka degmada Balcad balse isbitaalkii hore ee degmada ay muddo gaaban lagu burburiyay.

“Muddo dheer ayay haweenka degmada Balcad dhibaato ku ahayd sidii ay u heli lahaayeen meel lagu baaro oo ay ku umusho haddana waan helnay isbitaalkii dib ayuu noogu soo laabtay.”ayuu yiri XIldhibaan Xasan Maxamed Xaaji.

Isbitaalkii hore ee degmada Balcad ayaa ku burburay dagaaladii sokeeye waxana dhulkii uu lahaa degey shacab balse dadaalo ay sameeyeen maamulka degmada balcad iyo guddi laga soo xulay waxgaradka degmada Balcad ayaa lagu guuleystey in dadkii degenaa si nabad ah looga raro kadibna dib u dhis loogu sameeyay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *