Isgaarsiinta Magaalada Laascaanood oo la jaray kadib markii ay sii xoogeysteen banaanbaxyada

Published: January 1, 2023
Shares6

Dad shacabka ah ee Magaalada Laascaanood, ayaa Maalinkii 8-aad dhigaya Banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan Somaliland, kadib dilal ka dhacay magaaladaasi.

Dadkan ayaa dalbanaya in ciidanka Somaliland ay kabaxaan dhulkooda gobalka Sool, xili Isimadda gobalka ay ku dhawaaqeen in maamulkaas uga baxo dhulkooda.

Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada, iyadoo ay Dhalinyarada banaanbaxaya awodooda iskugu geynayaan in dareenkooda ay muujiyaan, kana hortagaan damaca Somaliland.

Somaliland ayaa amartay in lajaro xariirka Isgaarsiinta, gaar ahaana khadka Internet-ka, si aan loo tabin dhacdooyinka magaalada.

Horseed Media