Isimada dhaqanka ee SSC oo sheegay in aysan waxba ka jirin Xabad-joojinta Somaliland

Published: February 11, 2023

Isimada dhaqanka ee SSC oo ka hadlay xaaladda Laascaanood ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Xabad-joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland.

Isimada ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin Xabad-joojinta oo ay wali xabadii magaalada ku garaacayaan gaar ahaan qaar kamid ah guryaha shacabka oo weli madaafiic lala dhacayo.

Madaafiicda waxaa maanta ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sidoo kalena la beegsanayo xarumaha Caafimaadka ee magaalada.

Shirka Jaraa’id ee Isimadda ayaa laga dhexmaqlayaa xabada, taas oo uu Garaad Jaamac Garaad Cali ku sifeeyey in ay tahay mid lagu garaacayo magaalada.

Isimadda ayaa sheegay in ay wakiilada caalamiga ah ay u sheegayaan in dhexdhexaadintooda ay guddi xaqiiqo raadin ah u soo diraan magaalada Laascaanod, kaas oo ay damaanad-qaadayaan amnigooda Isimadda dhaqanka.