Isimada Dhaqanka SSC iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xaaladda ka taagan Laascaanood

Published: March 4, 2023
Shares50

Isimada Dhaqanka SSC ayaa kulan fogaan-arag ah la yeeshay Madaxda Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. 

Isimada ayaa Mareykanka warbixin ka siiyey xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen Khasaaraha soo gaaray bulshada rayidka, fududaynta gargaarka iyo xalka dagaalka.

Kulanka waxa soo agaasimey Xildhibaan Maxamed Keyse oo katirsan Golaha shacabka isla markaanna magalaada Muqdisho ugula soo kulmay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.

Horseed Media