Isimada dhaqanka SSC: “Waxa aan caddaynaynaa in aan sinnaba uga mid ahayn Somaliland”

Published: February 6, 2023

War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii maalmihii la soo dhaafay Magaalada Laascaanood ugu socday Isimada dhaqan ee goboladda SSC.

“Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan Beesha Caalamka ayaa ka warqabta in 15-kii sano ee u dambeeyay ay deegaanada SSC-Khaatumo kala kulmeen dhibaatooyin badan oo ay sababeen in ay si sharci darro ah ku joogaan maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland” ayaa lagu yiri War murtiyeedka

Sidoo kale Bayaanka ay soo saareen Hogaanka dhaqanka ayaa lagu sheegay ineysan ka tirsaneyn Somaliland.

“Waxa aan caddaynaynaa in aan sinnaba uga mid ahayn Somaliland, kana tirsanahay dhul jamhuuriydda Soomaaliyeed. SSC waxa lagu dhaqayaa xeerarka DFS.” Ayaa lagu yiri war-saxafadeedka.

Horseed Media