Isimada iyo waxgaradka Cal-bari oo Boosaaso kulan ku yeeshay

Published: February 11, 2012

Kulan ay isugu yimaadeen wasiirka beeraha Puntland Maxamuud Xaaji Saalax iyo qaar kamid ah Waxgaradka iyo Isimada deegaanka Cal-bari ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso.

Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlayey sidii loo xalin lahaa xiisad ka dhalatay dilkii Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Puntland kaasoo dhowaan lagu diley degmada Baargaal ee gobolka Bari.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland oo markii uu kulankaasi soo gaba gaboobey kadib warbaahinta Horseed Media la hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada loo soo qaban qaabiyey iyo waxyaabihii la iskula soo qaaday.

Wasiirku wuxuu sheegay in ujeedada ugu weyn ee kulanka maanta hoolka shirarka ee xarunta maamulka gobolka Bari ka dhacay laga lahaa ay ahayd sidii meel looga soo wada jeensan lahaa shakhsiyaad uu wasiirku tilmaamay inay caqabad ku yihiin dadaal loogu jiro xalinta xiisad yar oo ka dhalatay dilkii -AHN-Xildhibaan Bile.

Maxamuud Xaaji Saalax ayaa dhinaca kale tilmaamay in waxgaradka deegaankaasi ay kulan ku yeesheen degmada Xaabo kulankaas oo laga soo saaray qodobo dhowr ah oo uu kamid ahaa in lasoo qabto 4-tii qof ee ku lug lahaa dilka xildhibaanka, balse ay jiraan shakhsiyaad iyagu dano gaar ah leh oo arintaas kasoo hor jeestey islamarkaana raba inay colaad dadka walaalaha ah ka dhex kiciyaan.

Kulankan ayaa daba socdey kulamo noocan oo kale ah oo ay waxgaradka iyo Isimada deegaanadaasi ku yeelanayeen mudooyinkii u danbeeyey magaalada Boosaaso, waxayna dhamaantood ahaayeen kuwo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka danbeeyey dilka -AHN- Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo kantaroolka degmada Baargaal ee gobolka Bari ay kooxo dabley ahi ku toogteen.

 

Horseed Media