Isimada SSC iyo Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Oo Caawa Lagu Martiqaaday Madaxtooyada Puntland

Published: June 15, 2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa caawa kulan la qaatay Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guddoomiyihii hore ee Maamulkii Somaliland iyo Isimada Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Kulanka madaxda Puntland iyo Isimada dhaqanka SSC oo ahaa Casho sharaf ah oo isugu jirta isxogwareysi iyo soo dhoweyn ayaa dabo socda kulamo ay madaxdu horey u wada qaateen.

Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo dhowr berri kahor iska casilay xilkii Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta soo dhowayn gaar ah loogu sameeyey caasimadda Garoowe.

Horseed Media