Isimmada Dhaqanka SSC Oo Joojiyey Xulista Xildhibaanadii ay ku lahayeen Puntland

Published: December 23, 2023

Isimmada Khaatumo ayaa soo saaray go’aan ay ku joojiyeen xulista xildhibaanadii ay ku lahayeen Puntland kuwaas oo dhan 17 xildhibaan, taasi oo ka dhigan inay SSC iyo Puntland kala gurteen.

Go’aanka Isimmada ayaa yimid xilli xulista xildhibaanadu ka socoto Puntland qaar badan oo ka mid ahna ay odayaasha dhaqanku soo saaraan.

Sool iyo Buuhoodle ayaa lahaa tirada ugu badan ee hal beel ku lahayd baarlamaanka Puntland laakiin hadda go’aanka ayaa haddii uu hirgalo baddalaya qaabdhismeedka saamiqaybsiga baarlamaanka.

Horseed Media