Isimo dhaqan oo ka yimid gobolada Koonfurta oo lagu soo dhoweeyey Garowe

Published: March 25, 2023
Shares14

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland waxaa soo gaaray Wefti isimo dhaqan ah oo ka soo kicitimay gobolada Koonfureed ee dalka.

Wefigan Isimada waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Goroowe ku soo dhoweeyay Isimada dhaqanka gobolada Nugaal iyo SSC.

Ujeedka safarka Isimada ayaa ah u kuurgelidda xaaladda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood.

Qaar kamid ah isimadda dhaqanka SSC oo kusugan magaalada Garoowe, ayaa wada hadal layeelan doona Isimaddan safarka nabdeed ku yimid maanta.

Sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ay Isimadan tagi doonaan Hargeysa, oo ay la kulmi doonaan Madaxda Somaliland oo ay kala hadlayaan sidii dagaalka loo joojin lahaa

Horseed Media