Iska horimaad khasaare geystay oo Garoonka diyaaradaha Bosaso ku dhexmaray ciidamada PMPF & PSF

Published: July 11, 2022

Iska horimaad khasaare geystay ayaa dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Iska horimaadka oo dhexmaray ciidamada PMPF-ta ee gacanta ku haya amaanka Garoonka diyaaradaha iyo ciidanka PSF-ta ee ku sugan magaalada Boosaaso ayaa yimid kadib markii Garoonka laga celiyey diyaarad u socotay Hay’adda PSF.

Sidoo kale, Warar qaar ayaa sheegaya in ciidanka PSF ay doonayeen inay soo galbiyaan kolonyada wafdiga Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye kuxigeenka Golaha shacabka Sacdiyo Salaad oo ku soo wajahneyd magaalada.

Diyaaradda Wafdiga Kusimaha Madaxweynaha ayaa siday dawo iyo gargaar deeq ah oo loogu talo galay bulshada gobalka Barri, taas oo ay qeyb ahaan uga heleen kaalmada dawladda Faderaalka Soomaaliya la soo gaarsiiyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *