Israa’iil oo sheegatay weerar ay ku dishay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan

Published: March 2, 2024

Ciidamada Israa’iil ayaa Sabtidii sheegtay mas’uuliyadda weerar diyaarad Drone oo ka dhacay magaalada Xamra ee koonfurta Lubnaan, Xisbullah ayaa xaqiijisay in weerarkaas lagu dilay lix kamid ah saraakiishooda.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in xubnahooda lagu dilay weerarka lala beegsaday baabuurtooda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Lubnaan.

Diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale weeraray xarumaha ururka Xisbullah ee aagga Lavona, koonfurta Lubnaan.

Dhanka kale, Xisbullah ayaa sheegtay inay weerar ka dhan ah milateriga Israa’iil ku qaadday waqooyiga Israa’iil.

Kooxdu waxay sheegtay in ay weerar ku qaadeen, Taliska cusub ee gobolka Liman iyaga oo weerarkaasi u adeegsaday diyaarad drone ah.

Ugu yaraan 229 dagaalyahan oo Xisbullah ah ayaa lagu dilay iska horimaadyo ay la galeen ciidamada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Marinka Gaza, sida lagu sheegay tirokoob ay soo saartay kooxdaasi.

Horseed Media