Israa’iil oo askar badan loo dilay dagaalka Waqooyiga Gaza

Published: May 18, 2024

Ciidamada Israel iyo dabaabadaha dagaalka ayaa maanta oo Sabti ah gudaha u galay qeybo ka mid ah waqooyiga Qasa oo ay horey u sheegeen inay la wareegeen bishii Janaayo, halkaas oo ay dagaalo culus ka bilowdeen markale maalmihii lasoo dhaafay.

Goobta uu dagaalka ugu culus ka socdo ayaa ah xerada Qaxootiga ee Jabalia, oo ah xerada ugu weyn marinka Qasa siddeedda xero qaxooti ee taariikhiga ah.

Garabyada hubeysan ee Xamaas, Jihaad Islaami ah iyo Fatax ayaa sheegay in dagaalyahannadooda ay ciidamada Israa’iil ku weerareen gantaallada lidka taangiyada, bambaanooyinka, hoobiyeyaasha, iyo walxaha qarxa oo horay loogu aasay qaar ka mid ah waddooyinka, kuwaasoo khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiiyey ciidamada Israa’iil.

Israa’iil ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin khasaaraha ciidamadooda kasoo gaaray dagaalka ka socda waqooyiga Gaza, iyadoo warar qaar sheegayaan in ugu yaraan 20 askari halkaas looga dilay.

Horseed Media