Duqaymo ay Israa’iil ka geysatay Lubnaan ayaa lagu dilay 40 qof agagaarka bariga magaalada Baalbek ee…
Duqaymo ay Israa’iil ka geysatay Lubnaan ayaa lagu dilay 40 qof agagaarka bariga magaalada Baalbek ee dooxada Bekaa Arbacadii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, iyadoo xilli casarkii ah ay duqaymo kale ka dhaceen duleedka koonfureed ee caasimadda Beirut.
Israa’iil iyo ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa duqeyn is weydaarsaday muddo sannad ka badan intuu socday dagaalka Qaza balse dagaalka ayaa sii kordhay tan iyo dabayaaqadii bishii Sebtembar, iyadoo ciidamada Israa’iil ay xoojiyeen duqeymaha ay ka geysanayaan gobollada koonfurta iyo bariga Lubnaan, waxayna duullaan dhulka ah ku qaadeen tuulooyinka xadka saaran.
Israa’iil ayaa si isdaba joog ah u duqeysay fariisimaha kooxda Xisbullah ee Lubnaan ee ku yaal duleedka koonfureed ee magaalada caasimadda ah ee Beirut.
Milateriga Israa’iil ayaa ku amray dadka deggan xaafadaha koonfureed in ay isaga guuraan goobo dhowr ah Arbacadii shalay. Labo weerar oo duqeyn ah ayaa xigay, arbacadii shalay iyo maanta oo Khamiis ah.
Xoghayaha guud ee Xisbullah Naciim Qasem ayaa arbacadii sheegay in aanu rumaysnayn in tillaabo siyaasadeed ay soo afjari doonto colaadaha.
Waxa uu sheegay in ay jiri karto waddo loo maro wada xaajood dadban haddii Israel ay joojiso weeraradeeda.
Dadaallada dublamaasiyadeed ee Maraykanku ku doonayo in lagu hakiyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah, oo ay ku jiraan hindise xabbad-joojin ah oo 60 maalmood ah, ayaa burburay toddobaadkii hore ka hor doorashadii Maraykanka ee Salaasadii oo uu markale ku guuleystay madaxweynihii hore ee Donald Trump.
Horseed Media