Israa’iil oo duqeymo ka geysatay Rafah, xili Mareykanka uga digay inay weerarto deegaankaas

Published: February 9, 2024

Israa’iil ayaa maanta oo Jimce ah duqeymo cirka ah ka geysatay koonfurta Gaza ee Rafah, halkaas oo in ka badan 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah ay u qaxeen.

Weerarradan ayaa yimid ka dib markii Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay Khamiistii shalay ka digtay in Israa’iil howlgal dhulka ah ku qaado Rafah, arrintaasi oo ay ku sheegtay mid musiibo keeni doonta.

Raysalwasaaraha Israa’iil Netanyahu oo diiday xabad joojinta, ayaa sheegay in wajiga soo socda ee hawlgalka ciidamadooda, ay geli doonaan Rafah oo ah deegaanka cirifka koonfureed ee Gaza oo xaduuda la wadaagta dalka Masar.

Dowlada Masar oo kamid ah xulafada Mareykanka ayaa sidoo kale cabsi ka qabta duulaanka Israa’iil ee Rafah inuu sababo in Falastiiniyiinta qaxeysa ay soo jabsadaan ooda oo ay usoo talaabaan gudaha dalka Masar.

Xasuuqa Israa’iil ka wado Gaza ayaa dadka lagu dilay ay hada gaarayaan 27,947 qof halka lagu dhaawacay 67,459 qof.

Horseed Media