Israa’iil oo duqeyn ka geystay Suuriya, xilli ay la-daalaa dhaceyso dhulgariirkii ku dhuftay dalkaas

Published: February 19, 2023
Shares32

Ciidanka Israa’iil ayaa maanta gantaallo ku garaacday magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya iyo deegaannada ku xeeran.

Milateriga Suuriya, ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen, duqeyntan oo ay ku eedeeyeen Israa’iil.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhismo ku yaalla xaafadda Kafr Sousa ee bartamaha Dimishiq, lagu dilay afar qof oo rayid ah iyo hal askari.

Milateriga Israa’iil, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan duqeynta, markii ay wax ka weeydiisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Israa’iil ayaa waxay inta badan weerartaa bartilmaameedyada Suuriya ee lala xiriirinayo Iran, iyo dagaal yahannada Xisbullah, laakiin marar dhif ah ayey qirataa weerarka ay geysato.

Weerarkan, ayaa ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii dhulgariir lagu qiyaasay 7.8 uu ku dhuftay waqooyi-galbeed ee dalkani, iyo sidoo kale qaybo ka mid ah dalka deriska ah ee Turkiga, 12 maalmood ka hor.

Horseed Media