Israa’iil oo duqeysay bartamaha Gaza, iyadoo taangiyo u dirtay waqooyiga Rafah

Published: July 17, 2024

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyey goobo ku yaal bartamaha marinka Qaza, iyagoo dilay ugu yaraan sagaal falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, halka taangiyada Israa’iil ay dhaq dhaqaaq ka wadaan magaalada Rafah ee koonfurta.

24-kii saac ee la soo dhaafay, duqeymaha Israa’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 81 falastiiniyiin ah, waxaana lagu dhaawacay 198, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Mid ka mid ah weerarro cirka ah oo Israa’iil ay saqdii dhexe ee xalay ku qaadday guri ku yaalla Al-Zawyda ee bartamaha marinka Gaza, ayaa siddeed qof lagu dilay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Magaalada Rafah, oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in laba qof lagu dilay weerar xagga cirka ah, taangiyada ayaa weerar ka fuliyay waqooyiga magaalada ka hor inta aysan dib u guran, xeeladda ciidamada Israa’iil ay u adeegsadeen meelo kale ka hor inta aysan kordhin duullaanka.

Horseed Media