Israa’iil oo ku amartay Shacabka inay isaga baxaan koonfurta Khan Younis ee Gaza

Published: July 27, 2024

Milatariga Israel ayaa u sheegtay Falastiiniyiinta in ay si ku meel gaar ah uga guuraan xaafadaha koonfurta Khan Younis ee Marinka Gaza, kadib markii ay Jimcihii shalay duulaan culus kala kulmeen dagaalyahanada Falastiin.

Jimcihii shalay, militariga Israa’iil ayaa sheegay inay kula dagaalameen dagaalyahannada Falastiiniyiinta nawaaxiga Khan Younis, oo ah magaalo ku taal koonfurta Gaza, kadib markii dagaalyahanada Falastiin ay hoobiyayaal ku garaaceen saldhigyada ciidamadooda.

Israa’iil ayaa u sheegtay inay shacabka u guuraan deegaanka Al-Mawasi, qoraal kasoo baxay militarigooda maanta oo Sabti ah.

In ka badan 39,250 oo shacab u badan caruur iyo haween ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay Gaza, tan iyo markii uu bilowday dagaalkan 7dii Oktoober 2023.

Horseed Media