Israa’iil oo weerar duqeymo dhanka cirka ah ku qaadday dalka Lubnaan

Published: April 8, 2023
Shares2

Ciidamada Milatariga ee dalka Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ay leeyihiin kooxda Falastiniyiinta ee Xamaas ee koonfurta Lubnaan iyo Marinka Qaza.

Milateriga ayaa sheegay in weerarradan ay jawaab u ahaayeen 34 gantaal oo laga soo riday Lubnaan Khamiistii laguna garaacay waqooyiga Israa’iil.

Gantaalladan ayay Israa’iil ku eedeysay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, iyadoo Maleeshiyada Qaza ay dhankooda tobanaan gantaallo ah ku garaacday Israa’iil.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay ka dib markii booliska Israa’iil ay weerareen masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Horseed Media