Israel iyo Lubnaan oo laga cabsi qabo dagaal inuu ka dhex-qarxo kadib duqeyn ka dhacday Golan

Published: July 28, 2024

Gantaal shalay gelinkii danbe ku dhacay garoon kubbadda cagta ah, ayaa waxaana ku dhintay ugu yaraan 12 dhallinyaro ah buuraha Golan dhulka ay Israa’iil ka qabsatay Suuriya.

Militariga Israel ayaa duqeyntan ku eedeeyey ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, balse Xisbullah ayaa beenisay inay wax gantaal ah ku tuurtay deegaankaasi Majdal Shams ee buuraleyda Golan.

Xisbullah ayaa lagu yaqaan inay mar walba sheegato duqeynta ay la beegsato Israel oo inta badan ah xarumaha militari, waxaana shaki la gelinayaa cida ka danbeysa weerarkan.

Afhayeenka Xisbullah Maxamed Afif ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP, in kooxdu ay si cad u beenisay in ay weerar ku qaadeen magaalada Majdal Shams.

Xalay ayey ciidamada Israel duqeeyeen goobo ku yaal koonfurta Lubnaan, iyagoo ku goodinaya weeraro dheeraad ah.

Israel ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay sheegaysay inay diyaar u tahay duulaan inay ku qaado Xisbullah, sida laga soo xigtay xubno kamid ah militariga iyo xukuumada Israel.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo dib uga soo noqday Mareykanka, ayaa ku goodiyey in Xisbullah “ay ku bixin doonto qiimo culus weerarkan, mid aysan ilaa hadda bixin”, waa siduu hadalka u dhigayee.

Hogaamiyaha Israel oo horey u diidaan xabad joojin ka dhacda Gaza, ayaa dhanka kale taageero ka weydiisanayey Mareykanka iyo xulafadiisa inay kala qeyb qaataan weerar lagu qaado dalka Lubnaan.

Netanyahu ayaa isagu lagu eedeeyaa in hadii dagaalka joogsado ay khatar gelin karto xilka uu hayo iyo xukuumadiisa oo aan cago adag ku taagneyn.

In badan oo kamid ah shacabka Israel ayaa kasoo horjeeda xiligan dagaal cusub iyagoo ku baaqaya xabad joojinta dagaalka ka socda Gaza.

Israel ayaa khasaaro dhaqaale oo xoogan kasoo gaaray dagaalka ay ku qaaday Gaza 9kii bilood ee lasoo dhaafay, sidoo kale khasaaraha ciidamadooda soo gaaray ayaa ah mid xoogan taasi oo la filayo inay hoos u dhigto awooda ay u leeyihiin duulaan dhameystiran oo ay xiligan ku qaadaan Xisbullah oo ah koox leh cudud militari oo xoogan.

Horseed Media