Israel oo askar badan looga dilay dagaal ka dhacay Koonfurta Gaza

Published: January 23, 2024

Ciidamada Israel ayaa maanta oo Talaada ah sheegay in ugu yaraan 21 askari lagu dilay tiro kalana lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo ka dhacay bartamaha iyo koonfurta marinka Qaza.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka ciidamada Adm. Daniel Hagari ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay meel u dhow xadka Kissufim iyadoo Xamaas ay weerartay askarta isku dayay inay burburiyaan mid kamid ah xarumihii ay horey halkaas ugu lahayd Xamaas.

Waxa uu sheegay in dagaalyahanada Xamaas ay baasuuke ku dhufteen taangi Israa’iili leedahay, qaraxan ayaa sababay inay dumaan dhismayaal laba dabaq ah oo ay gabaad ka dhiganayeen qaar kamid ah askarta Israel.

Tan iyo intuu dagaalka bilowday Israel ayaa qiratay in dagaalka looga dilay askar gaareysa 556.

Horseed Media