Israel oo bilowday burburinta qeybo kamid ah Isbitaalka Shifa

Published: November 16, 2023

Ciidamada Israel ayaa lagu soo waramayaa inay wadaan burburinta qeybo kamid ah xarunta Isbitaalka Al-Shifa ee Gaza.

Ciidamada Israa’iil ayaa illaa shalay ku jira gudaha xarunta Shifa iyagoo ku dooday inay halkaasi xarun ku leedahay Xamaas.

Xamaas ayaa beenisay warkaasi, iyadoo aan weli wax cadeyn ah lasoo bandhigin.

Ciidamada Israa’iil ayaa hada gaadiidka Katarabiilada keenay isbitaalka saaka oo khamiis ah.

Muuqaalo ay baahiyeen Askarta Israa’iil ayey kusoo bandhigeen dhowr qori oo AK47 ah oo ay sheegeen inay ka dhex heleen Isbitaalka, taasi oo ay ku tilmaameen cadeyn.

Balse maaha markii ugu horeysay oo Israel been ka sheegto xarumaha caafimaadka sidan oo kale ayey Isbitaalka Rantisi u galeen todobaadkan ayagoo muuqaalo been abuur ah ka faafiyey xaruntaasi.

Israel ayaa wada olole dhanka warbaahinta ah oo ay dooneyso inay caalamka uga dhaadhiciso in xarumaha caafimaadka ee Gaza yihiin goobo militari, taasi oo ay ku baneysanayaan burburinta xarumahaasi.

Warka laga soo xiganayo dhakhaatiirta ku sugan gudaha Isbitaalka ayaa sheegaya in burbur loo geystay qeybo kamid ah isbitaalka.

Qeybaha isbitaalka oo ay Arbacadii galeen ciidamadan ayaa la sheegay inay qaraxyo ku xireen qalabkii halkaasi yaalay.

Askarta Israel ayaa burburiyey kaydkii daawada oo shalay ku rakibeen qarax weyn.

Shacabka ku sugan gudaha xarunta Shifa oo ah dadkii kusoo baro-kacay duqeynta ayaa la sheegay in qaarkood ay qafaasheen askarta Israel.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa ku taageeray Israel hawlgalka ay ka wado Isbitaalka Shifa.

Joe Biden Madaxweynaha Mareykanka ayaa shir jaraa’iid uu qabtay ku sheegay in Xamaas xarun ka dhexsameysatay Isbitaalka Al-Shifa, isagoo aan wax Cadeyn ah soo bandhigin.

Horseed Media