Israel oo dhaawacii Xoog uga saartay Isbitaalka Al-Shifa

Published: November 18, 2023

Ciidamada Israel ee ku sugan Isbitaalka Al-Shifa ayaa saaka oo sabti ah bilaabay inay halkaasi qori-caaradii uga saaraan dhaawacii iyo shacabkii ku sugnaa.

Dhakhaatiirta isbitaalka oo qaarkood kasoo baxay isbitaalka ayaa sheegay inay hada u lugeenayaan koonfurta Gaza.

450 dhaawacii yaalay isbitaalka oo lagu sido Sariiraha socda iyo kuraas, qaarna garabka lagu sido ayaa laga soo saaray isbitaalka.

Askarta Israa’iil ayaa diiday in dadkan loo keeno gaadiidka caafimaadka si loo geeyo koonfurta.

Waxayna ku khasbeen dhaawaca inay lugeeyaan ugu yaraan 7km, oo ah halka ugu dhaw oo ay gargaar ka heli karaan.

150 dhaawacii culsaa iyo caruurtii shaqiirka ahaa ayaa isbitaalka looga tagay.

5 kamid ah dhakhaartiita oo uu ku jiro madaxii Isbitaalka Al-Shifa ayaa ku haray si ay ulla joogaan dhaawaca looga tagay Isbitaalka.

Isbitaalka ayaa horey looga jaray korontadii iyo biyihii muddo todobaadyo ah.

24 qof oo yaalay qeybta ICU ayaa geeriyooday kadib markii korontada laga jaray isbitaalka.

Askarta Israel ayaa ku jira gudaha xarunta Shifa tan iyo Arbacadii lasoo dhaafay 15ka November.

Ciidamada Israel ayaa burburiyey qeybo kamid ah isbitaalka, waxayna qeybo kale ka qodayaan godod waaweyn iyagoo adeegsanaya Katarabiilo.

Maamulka Israel ayaa waji gabax kala kulmay doodii ahayd in isbitaalka Shifa ay saldhig ku leeyihiin Xamaas. Kadib markii ay soo bandhigi waayeen wax cadeymo lagu kalsoonaan karo.

Horseed Media