Israel oo dib u bilowday duqeynta Gaza

Published: December 1, 2023

Israel ayaa maanta oo Jimce ah dib u bilowday duqeynta Gaza kadib 7 maalmood oo xabad joojin ahayd.

Waxaa lagu waday in hal maalin oo kale lagu daro balse Xamaas iyo Israel ayaa isku khilaafay siideynta Maxaabiista.

Xamaas ayaa sheegta inay siideysay maxaabiistii shacabka ahayd. Waxayna sheegeen inay siideyn doonaan maxaabiista askarta ah hadii Israel siideynayso dhamaan maxaabiista shacabka Falastiin.

Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay inay ku wareejiso Israel meydadka maxaabiista ku dhintay duqeynta Israel oo ay ku jiraan labo caruur ah.

Israel ayaa dhankeeda diiday inay aqbasho soo jeedinta Xamaas.

Duqeynta maanta ayey Israel la beegsatay koonfurta Gaza oo ay shacabka u qaxeen, ugu yaraan 54 qof ayaa lagu dilay duqeyntii ugu danbeysay.

Horseed Media