Israel oo diiday Shirweyne ka dhacaya Paris

Published: January 13, 2017

Dowlada Faransiiska ayaa magaalada Paris ku casuntay 70 dal oo ka wada hadli doona xal u raadinta Falastiin iyo Israel.

Shirweynahan ayaa looga hadlayaa sidii loo heli lahaa laba dowladood oo ay kala leeyihiin Falastiiniyiinta iyo Israeliyiinta.

Xukuumada Israel iyo Maamulka Falastiin ayaa labaduba ka qeyb geli doonin shirkan balse lagu casumay magaalada Paris si ay u dhageystaan talada kasoo baxda shirkaasi dhici doona Axadda soo socota.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isagu diiday inuu tago Paris, balse Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa lagu wadaa inuu caasimada France tago maalinta Isniinta ah si uu ulla kulmo Madaxweynaha Faransiiska Mr.Hollande oo shirkaasi marti gelinaya.

Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyey dadaalka cusub oo ay dowlada France wado, kadib markii lagu guuleysan waayey iskudaygii hore ee Maraykanka.

Hase yeeshee dhinaca Israel ayaa gebi ahaan qaadacay ololaha ay wado dowlada Faransiiska.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *