Israel oo duqeysay isbitaal ku yaal Gaza, Boqolaal dhimasho ah

Published: October 17, 2023
Shares24

Ugu yaraan 500 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay duqeyn Israel goordhaweyd la beegsatay isbitaalka Ahli Arab ee ku yaal bartamaha magaalada Gaza.

Duqeynta isbitaalka ayaa kusoo beegmatay xili galabta ay diyaaradaha israel sidoo kale duqeeyeen iskuul ay UNta maamusho oo ay gabaad ka dhiganayeen dadka rayid ah, sida ay xaqiijisay hay’ada UNRWA.

Israel oo hada sii xoojisay duqeynta Gaza, ayaa u bareertay inay duqeyso isbitaalada oo ay horey uga buuxeen dadkii waxyeelada kasoo gaartay duqeynmihii hore iyo waliba shacabka kale oo badan oo amaan biday inay gabaad ka dhigtaan isbitaalada.

Sharuucda Caalamiga ah ayaa mamnuuc ka ah in la bartilmaamsado isbitaalada iyo goobaha kale ee rayidka, hase yeeshee Israel oo xiligan aaminsan inay taageero ka helayso dalalka reer Galbeedka ayaa u muuqata inaysan waxna ulla reeban duqeynta Marinka Gaza.

Falkan ayaa yimid kadib markii xalay Golaha Amaanka uu ku fashilay inuu qaraar kasoo saaro xabad joojinta bini’aadamnimo, qaraarkaasi oo uu soo diyaariyey Ruushka, ayaa waxaa diiday wadamada Maraykanka, UK, France, iyo Japan.

Israel ayaa isu diyaarineysa inay weerar dhulka ah ku qaado Gaza, balse dooneysa kahor weerarkaasi inay dhulka la sinto xaafadaha waqooyi iyo bartamaha magaalada Gaza.

Horseed Media