Israel oo duqeysay Nablus, Daanta Galbeed

Published: November 18, 2023

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa sii xoojiyey weerarada ay ku qaadayaan deegaanada Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

Ugu yaraan 5 qof ayaa xalay ku dhintay duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha Droneka oo lagu qaaday Xafiiska xisbiga Fatax ee magaalada Nablus ee Daanta Galbeed.

Ciidamada Israel ayaa xoojiyey weerarada ay ku qaadayaan dhulka Daanta Galbeed, xili indhaha caalamka ay kusii jeedaan dagaalka ka socda Gaza.

Tan iyo 7dii Oktoober, 220 Falastiiniyiin ah ayey Israel ku dishay magaalooyinka kala duwan ee Daanta Galbeed, sida: Jenin, Hebron, iyo Nablus.

Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay in ka badan 2000 qof oo ah dadka u ololeeya xaquuqda Falastiiniyiinta iyo waliba caruur aan qaan-gaarin.

Horseed Media