Israel oo duqeysay nawaaxiga Isbitaalada Shifa & Al-Nasar

Published: November 9, 2023

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa saaka oo Khamiis ah markale duqeeyey xerada Qaxootiga ee Jabaliya iyo isbitaalada waqooyiga Gaza.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay duqeynta saaka ee xeradda qaxootiga Jabaliya oo la duqeenayo markii 5aad.

Xalay iyo arooryadii saaka ayey diyaaradaha israel duqeeyeen isbitaalada ugu waaweyn ee ku yaal waqooyiga Gaza ee Al Shifa & Al Nasar.

Isbitaalka Shifa oo kaliya ayey jiifaan in ka badan 5000 dhaawac ah.

Sidoo kale, Isbitaaladan ayey gabaad ka dhiganayaan kumanaan shacab ah oo guriyahooda lagu burburiyey duqeynta.

Dhinaca kale kumanaan kun oo shacab ah ayaa shalay isaga qaxay waqooyiga Gaza.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shalay kaliya ay 50.000 qof u qaxeen koonfurta Gaza.

Balse, Koonfurta Gaza lafteeda ayaan ka badbaadin duqeynta Israel, waxaana xalay la duqeeyey laba masaajid oo ku yaal Khan Yuunis.

Masaajidada al-Ikhlas iyo Mustfaa ee Khan Yunis ayaa gebi ahaan lagu burburiyey duqeynta.

Israel ayaa si gaar ah u bartilmaamsatay 59 Masaajid oo ku yaal Gaza oo ay duqeyn ku burburisay.

Tiradda ku dhimatay duqeynta Israel ee Gaza ayaa mareysa in ka badan 10,659 qof oo ay ku jiraan 4,300 caruur ah.

Horseed Media