Israa’iil ayaa marar badan ku celcelisay in colaadeeda ay kula jirto ururka Xisbullah ee Lubnaan ee aanay ahayn milatariga Lubnaan.
Weerar ay Israa’iil ku qaaday xarun ay leeyihiin ciidamada Lubnaan Axadii ayaa waxaa ku dhintay hal askari 18 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen militariga Lubnaan.
Waxay ahayd duqeyntii ugu dambaysay ee weeraro is-daba joog ah oo Israa’iil ay ku dishay in ka badan toban askari oo Lubnaaniyiin ah, xili millatariga dalkaasi inta badan ka gaabsaday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah.
Israa’iil ayaa marar badan ku celcelisay in colaadeeda ay kula jirto ururka Xisbullah ee Lubnaan ee aanay ahayn milatariga Lubnaan.
Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay militariga Israa’iil oo horey u sheegay in militariga Lubnaan aysan bartilmaameed u ahayn ololahooda ka dhanka ah Xisbullah.
Raiisel wasaaraha ku meel gaadhka ah ee Lubnaan, Najib Mikati, ayaa dhaleeceeyay inay tahay duqeynta weerar lagu qaaday dadaallada xabbad-joojinta ee uu Maraykanku hoggaamiyo.
Duqeynta ayaa ka dhacday Koonfur Galbeed Lubnaan oo ay ku taal wadada xeebta ah ee isku xirta Tire iyo al-Naqoura, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya Israel iyo Xisbullah.
Israa’iil weerarradan waxa ay ku dileen in ka badan 3,500 oo qof gudaha Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan. Dagaalku waxa uu barakiciyey ilaa 1.2 milyan oo qof, ama rubuc ka mid ah dadka Lubnaan.
Dhinaca Israa’iil, ilaa 90 askari iyo ku dhawaad 50 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay waqooyiga dhulka Israa’iil heysto.
Horseed Media