Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha cirka ah ee Israel ay ka waddo gudaha Dalka Suuriya, isagoo sheegay in ay jirto “baahi degdeg ah oo lagu qaboojinayo rabshadaha ka jira dhammaan dhinacyada dalka oo dhan”, ayuu yiri afhayeenkiisu.
Xoghayaha ayaa faray ciidammada Israa’iil inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Suuriya, isla markaana ay joojiyaan weerarada xagga cirka ee lagu bartilmaameedsanaayo goobaha muhiimka ah iyo dadka rayidka ah.
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa sheegay in sawirrada ka soo baxaya xabsiga caanka ah ee Sednaya iyo xarumaha kale ee lagu haayey dadka ay muujinayaan sida waxshinimada leh ee sanado badan xukuumaddii hore ay kula dhaqantay dadka siyaasiyiinta ah iyo kuwa kale ee caadiga ah.
Dalka Jordan waxa ay martigelin doontaa dhamaadka usbuucaan shir madaxeedka xasaradda ee Suuriya, kaas oo ay ka qayb galayaan dublamaasiyiin sarsare oo ka kala socda Saudi Arabia, Iraq, Lebanon, Egypt, UAE, Bahrain, Qatar, Turkey, US, European Union iyo Qaramada Midoobay.