Imaaraatka Carabta oo soo dhoweysay heshiiskii Turkiga ee Soomaaliya iyo Itoobiya

13 December, 2024

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhexdhexaadinayey ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

“Tallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Khaliijka .

Bayaankaan ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed.

War saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ka mira dhalinta heshiiska, iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.

Dhowaan ayey aheyd markii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ugu magacdareen Baaqa Ankara, iyagoo xaqiijiyay ixtiraam iyo sida ay uga go’an tahay midba midka kale in uu ilaaliyo madaxbannaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirka dhuleed.