Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegay in askarta Israa’iil ay rasaas ku fureen mid…
Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegay in askarta Israa’iil ay rasaas ku fureen mid ka mid ah goobahooda kormeerka ee koonfurta Lubnaan toddobaadkan, iyagoo intaa ku daray in xaaladda ammaanku ay “aad u adag tahay” iyada oo ay jiraan weeraro kale.
“Ciidamada IDF (ciidamada Israa’iil) ayaa rasaas ku furay” goob kormeer ah oo u dhow tuulada Dhayra Talaadadii, bayaan ka soo baxay ciidamada ku meel gaadhka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL) ayaa lagu yidhi.
Sidoo kale Jimcihii, UNIFIL waxay sheegtay in laba nabad-ilaaliyeyaal Indonesian ah oo ku dhaawacmay Oktoobar 10-kii markii “taawar ku taal xarunta UNIFIL ee Naqura ay duqeeyeen taangiyada Israa’iil” ay dib ugu soo laabteen shaqada ka dib markii ay qaateen daryeel.
Horseed Media