Israel oo markii 3aad duqeysay Xerada Jabaliya ee Gaza

Published: November 2, 2023

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa maanta oo khamiis ah markii sadexaad duqeeyey xerada qaxootiga Jabaliya ee Marinka Gaza.

Duqeynta Jabaliya ee Talaadadii, Arbacadii iyo maanta ayaa la sheegayaa inay dadka ku dhintay ka badan yihiin 1.000 qof.

In ka badan 2.000 qof ayaa la rumeysan yihiin inay weli ku hoos jiraan guryaha burburay.

Tiradda guud ee duqeynta Israel ee Gaza ayaa maanta kor u dhaaftay 9.000 qof.

Dadkaasi lagu xasuuqay Gaza ayaa waxaa ku jira in ka badan 3.760 caruur ah.

Waxaa sidoo kale maanta oo khamiis ah shaqadii joojiyey 16 isbitaal oo ku yaal Gaza oo ay ka go’aday korontadii.

Ciidamada Israel oo gudaha usoo galay waqooyiga Gaza ayaa sheegay inay illaa iyo hada dagaalka uga dhinteen 17 askari. Balse Xamaas ayaa sheegtay inay tiradda ay dileen intaas ka badan tahay.

Horseed Media