Israel oo qiratay askarta looga dilay dagaalka Gaza

Published: November 1, 2023

Maanta oo Arbaca ah ayey Israel markii ugu horeysay qiratay askarta looga dilay dagaalka ka socda Waqooyiga Gaza.

Afhayeenka Militariga Israel ayaa sheegay in 11 askari looga dilay dagaaladii cuslaa ee shalay ka dhacay waqooyiga Gaza.

Askartan ayaa la sheegay in lagu dilay weerar ay dagaalyahanada Xamaas la beegsadeen Taangiyada Israel ee gudaha usoo galay Gaza.

Xamaas ayaa sheegtay in tirada ay ka dileen Israel ay intaasi ka badan tahay.

Israel ayaa shalay duqeyn xoogan ka geysatay waqooyiga Gaza, gaar ahaan xerada Jabaliya oo ay ku dhinteen hal goob in ka badan 100 qof.

Shacabka lagu xasuuqay duqeynta Israel ee Gaza ayaa gaaraya 8,525 oo ay ku jiraan 3,542 caruur ah iyo 2,187 haween ah.

Waxay sheegtay Israel in 11.000 goobood oo Gaza ku yaal ay duqeysay tan iyo 7dii bishii hore ee Oktoober.

Horseed Media