Israel oo sare u qaaday duqeynta Khan Yuunis, Gaza

Published: January 24, 2024

Israa’iil waxay sare u qaaday weerarka iyo duqeynta culus oo ay la beegsaneyso deegaanka Khan Yuunis ee koonfurta Gaza, halkaasi oo ay ciidamadooda doonayaan inay hareereeyaan.

Mid kamid ah Iskuulada ay gabaadka ka dhiganayeen dadka barakacayaasha ah oo ku dhaw isbitaalka Al Nasar ayey xalay duqeeyeen Israa’iiliyiinta halkaasi oo ay khasaaro badan ka dhalatay.

Duqeyntan Israel ee Khan Yuunis ayaa kusoo beegmaysa kadib jabkii soo gaaray ciidamada Israel oo ugu yaraan 21 askari looga dilay, weerar ay kala kulmeen xoogaga Xamaas.

Militariga Israel ayaa weli ku guuleysan inay gebi ahaan la wareegaan goobaha ay ciidamadooda gudaha u galeen, sida Waqooyiga Gaza iyo Bartamaha. Xili ay hada xooga saarayaan inay Koonfurta Gaza oo ah goob ay Xamaas ku xoogan tahay.

Dhinaca kale wararka laga helayo Qatar ayaa sheegaya in dalkaasi uu wado dadaal kale oo lagu doonayo in lagu dhaqan geliyo xabad joojin kooban.

Cadaadiska Israel uga imaanaya Beesha Caalamka ayaa sii kordheysa xili tiradda dhimashada dadka rayidka ah ee Gaza mareyso ugu yaraan 25.500 qof.

Horseed Media