Israel oo sii wada xasuuqa Gaza iyo weerar lagu dilay 174 qof

Published: January 27, 2024

Israa’iil ayaa xoojisay duqeymaha ay ka waddo Qaza, xitaa iyadoo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ay ku amartay inay qaado tillaabooyin looga hortagayo falalka xasuuqa.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 174 falastiiniyiin ah lagu dilay deegaankaas 310 kalena lagu dhaawacay 24kii saac ee lasoo dhaafay.

Weerarada xarumaha daryeelka caafimaadka ayaa weli ka socda koonfurta Gaza, iyadoo ay daawadii ka go’aday Isbitaalka Nasser ee Khan Younis oo ay go’adoomiyeen ciidamada Israel.

Ugu yaraan 26,257 qof ayaa lagu dilay 64,797 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

Horseed Media