Israel oo Xamaas u gudbisay qorshe cusub ee Xabad joojin

Published: April 27, 2024

Xamaas ayaa sheegtay in ay heshay jawaabta rasmiga ah ee Israa’iil Sabtidii soo jeedinteedii ugu dambeysay ee xabbad joojinta ayna daraasad ku sameyn doonto ka hor inta aysan soo gudbin jawaabteeda, ku xigeenka madaxa kooxda Gaza ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay.

“Xamaas waxay maanta heshay jawaabta rasmiga ah ee gumeysiga Sahyuuniyadda ee soo jeedinta loo soo bandhigay 13-kii Abriil,” ayuu yiri Khalil Al-Hayya, oo hadda fadhigiisu yahay Qatar.

Ka dib in ka badan lix bilood oo ay Israa’iil dagaal kula jirtay Qaza, wada-xaajoodyadu xabad joojin dhameystiran ayaa ah mid aan weli miro dhalin, iyadoo Xamaas ay ku adkaysanayso dalabaadkeeda oo ah in heshiis kasta uu ku xiran yahay joojinta gebi ahaan dagaalka, in Israel la baxdo ciidamadeeda iyo Shacabka dib loogu ogolaado waqooyiga Gaza oo ay ka qaxeen inta badan shacabka.

Wafdi ka socda Masar ayaa booqday Israa’iil si ay ugala hadlaan mas’uuliyiinta Israa’iil Jimcihii shalay, iyagoo raadinaya qaab ay dib u billaabaan wadahadallada si loo dhammeeyo khilaafka iyo soo celinta la haystayaashii hadhay markii dagaalyahannada Xamaas ay gudaha u galeen magaalooyinka Israa’iil 7-dii Oktoobar, sida uu sheegay sarkaal ka hadlay kulammadaas.

Mas’uulkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Israa’iil aysan hayn hindise cusub oo lagu heshiiyey, inkastoo ay diyaar u tahay inay ogolaato xabbad-joojin kooban si loo soo siidaayo 33 la haystayaal ah oo ay Xamaas heysato.

Maalintii Khamiista, Maraykanka iyo 17 dal oo kale ayaa ka codsaday Xamaas inay sii daayaan dhammaan dadka ay afduubka u haystaan si ay u noqoto waddo lagu dhammeeyo dhibaatada.

Si kastaba ha ahaatee, Xamaas waxay ku adkaysatay shuruudaheeda muhiimka ah oo ay Israa’iil diiday, waxayna dhaleecaysay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Maraykanka iyo kuwa kale ee aan ku baaqin xabbad-joojin dhameystiran iyo ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Gaza.

Horseed Media