Israel oo xirtay Ahed Tamimi oo u dhaq-dhaqaaqda xoriyadda Falastiin

Published: November 6, 2023

Militariga Israel oo aroornimadii Isniinta weerar ku qaaday dhulka Falastiin ee Daanta Galbeed (West Bank) ayaa xiray Ahed Tamimi.

Ahed Tamimi oo ah 22 sano jir ayaa nololsheeda intii ay caqliyeysatay dagaal kula jirtay gumeysiga Israel.

Ciidamada Israel ayaa shan maalmood kahor xiray Abaaha dhalay Ahed Tamimi, isla markaana u hanjabay qoyskeeda.

Gabadhan ayaa soo caan-baxday iyadoo 14 sano jirta markii filim laga duubay iyadoo la dagaalameysa askari Israa’iili ah.

Militariga Israel ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay weeraro ku waday Daanta Galbeed iyagoo xiray in ka badan 1000 Falastiiniyiin ah, isla markaana dilay 150.

Maamulka Yahuuda ayaa bartilmaamsanaya dadka caanka ah ee Falastiiniyiinta ku nool dhulkaasi ee ka hadla xaalada Gaza.

Dadka la xir-xiray ayaa la sheegay in loo heysto qoraalo ay ku qoreen Internetka oo ay uga hadleen xasuuqa Gaza.

Horseed Media