Israiil oo 15 qof ku dishey duqeyn ay ka geysteen Qasa, Falastiin

Published: August 6, 2022

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka fulisey marinka Qaza Jimcihii, halkaas oo ay ku dishay in ka badan 15 qof, oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsanaa Xamaas. Israa’iil ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsanayso kooxda Islamic Jihad iyada oo maalmihii ugu dambeeyay ay sii xoogaysanaysay xiisadda ka dhalatay xariga sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in gabar 5 jir ah iyo haweeney 23 jir ah ay ka mid ahaayeen dadka lagu dilay weerarkii Israil.

Falastiiniyiinta ayaa saacado kadib riday gantaalo aad u tiro badan, iyadoo firirkooda hawada lagu arkaayey bartamaha iyo koonfurta Israa’iil, taasoo labada dhinac ku riixday in ay ku soo dhawaadaan dagaal dhan walba ah. Islamic Jihad ayaa sheegtay inay soo rideen ilaa 100 gantaal.

Isra’iil ayaa 15-kii sano ee la soo dhaafey Qasa ka geysatey afar dagaal oo waaweyn iyo dhowr dagaal oo yaryar.

Khudbad laga sii daayay talefishinka habeenimadii Jimcaha, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Yair Lapid wuxuu sheegay in dalkiisa uu qaaday weerarrada ku saleysan “hanjabaado la taaban karo oo Qasa uga yimid”

“Dawladdani waxay leedahay siyaasad aan dulqaad lahayn oo ku saabsan isku day kasta oo weeraro ah – nooc kasta ah – oo ka imanaya Gaza oo ku wajahan dhulka Israa’iil,” ayuu yiri Lapid. “Israa’iil iskama fariisan doonto marka ay jiraan kuwa isku dayaya inay dhibaateeyaan shacabkeeda.”

Hogaamiyaha Islamic Jihad Ziad al-Nakhalah, oo la hadlayay TV-ga Al-Mayadeen ee Iran, ayaa yiri “dagaalyahanada iska caabinta Falastiin waa in ay u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen gardarradan.” Wuxuu sheegay in aysan jiri doonin “khad cas” wuxuuna ku eedeeyay rabshadaha Israel.

Afhayeen u hadlay Xamaas Fawzi Barhoum ayaa yiri “Cadowga Israa’iil, oo bilaabay xadgudubyadoodi marinka Gaza waa in ay bixiyaan qiimaha ugu sareysa oo ay qaadaan masuuliyadda.

Israa’iil iyo Masar ayaa go’doomin adag ku hayay marinka Qasa tan iyo markii Xamaas ay la wareegtay.

Hanas Askar
Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *