Isra’iil oo duqeysey safaaradda IRAN ee Suuriya kuna dishey saraakiil sar-sare

Published: April 2, 2024
Shares18

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil leedahay, ayaa shalay duqeeyey safaaradda Iran ee dalka Suuriya, weerarka ayaa Iiraan sheegtay in looga diley 7 ka mid ah la taliyeyaasha ciidammada oo ay ku jiraan saddex taliyeyaal sare, taas oo muujinaysa inuu sii kordhayo dagaalka ay Israa’iil kula jirto Iran.

Weriyeyaasha wakaaladda wararka ee Reuters oo ku sugnaa goobtaas oo ku taal degmada Mezzeh ee magaalada Dimishiq ayaa arkay shaqaalaha gurmadka oo ku dul qulqulaya burburka dhismo burburay oo ku dhex yaalla xarunta dublamaasiyadda, oo ku dheggan dhismaha safaaradda Iran ee ugu weyn.

Saraakiisha weerarka ku dhimatey waxaa kamid ah:

  1. Brig. Gen. Mohammed Zahedi
  2. Gen. Hossein Aminullah
  3. Maj. Gen. Haj Rahimi

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in todobo la taliye oo u dhashay Iran ay ku dhinteen weerarka oo uu ku jiro Mohammad Reza Zahedi, oo ah taliye sare oo ka tirsan ciidamadooda Quds isla markaana ah basaas caan ah.

Israa’iil ayaa muddo dheer bartilmaameedsanaysay xarumaha militariga Iran ee Suuriya iyo kuwa gacansaarka la leh, laakiin weerarka Isniintii ayaa ahaa markii ugu horreysay oo Israa’iil ay weerarto dhismaha ballaaran ee safaaradda.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Iran ayaa ku tilmaamay weerarka mid “ku xad gudub bareer ah oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay, sharciga caalamiga ah, iyo mabda’a aasaasiga ah ee lama taabtaanka ee xarumaha dublamaasiyadda iyo qunsuliyada.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Nasser Kanaani ayaa sheegay in Iran ay dooran doonto “nooca jawaabta iyo ciqaabta ay ka bixin doonto gardarradan.”

Hanad Askar
HORSEEDMEDIA