Banaanbax lagu taageeraayo hannaanka dhamaystirka dastuurka oo Muqdisho ka dhacay

Published: March 25, 2024

Isu soo bax ballaran ayaa maanta ka dacay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu taageeraayo hannaanka lagu dhamaystiraayo dastuurka federaalka Soomaaliyeed.

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb qaadanaya Ardayda, Haweenka dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Muqdisho, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa Banaanbaxan Shacabka kala qayb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ugu horeeyaan, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadal ka jeediyey Banaanbaxa ayaa tilmaamay in dhamaystirka Dastuurku tahay Shacabka Soomaaliyeed oo helay xuquuqdoodii, sidoo kalena Haya’addaha u xilsaaran Dastuurku wakiil ugu yihiin dhameystirkiisa.

“Soomaaliya waxaa dastuurka wakiil uga ah labada Aqal ee baarlamaanka, go’aanka iyaga ayaa iska leh, xubnaha diidan shaqada socota aragtidooda ha geeyaan kulamada Baarlamaanka.” Ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo ka mid ahaa Madaxdii Shacabka kula hadashay Daljirka Dahsoon ayaa yiri “Qof kasta ha ogaado, dadka diidan dhameystirka dastuurka waxay hortaagan yihiin xuquuqdiina, waa in laga gudbo looma dhama iyo marin habaabinta kooxaha diidan in dalkaan dowladnimo ka hana qaado.”

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan soo gabagabeeyey doodda waxkabadalka Dastuurka ee cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayaa lagu wadaa in dhawaan ay u codeeyaanan.

Horseed media