Italy: Afar iyo Toban Magaalo oo la Karantiilay

Published: March 8, 2020

Dowladda Talyaaniga ayaa 16 milyan oo qof oo ku nool waqooyiga dalkaasi ku soo rogtay karantiil si uu u xakameeyo faafintaanka Cudurka CoronaVirus 

Qof kasta oo ku nool 14 magaalo oo ku yaala bartamaha iyo waqooyiga Talyaaniga oo ay ku jiraan magaalooyinka Milan Venice ayaa ogolaansho u baahan doono xiliga ay doonayaan inay safraan,

Ra’isul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa ku dhawaaqay ina gebi ahaanba dalka la xiray iskooladda, Jaamacadaha, Kalaabyada iyo goobaha kal ee dadku isugu yimaadaan si loo xakameeyo Cudurka

Tirada dadka u dhintay cudurka coronovirus dalka Talyaaniga ayaa hadda gaartay 230 qof, iyadoo saraakiisha caafimaadku sheegeen inay 36 qof ay u dhinteen 24 saac ee la soo dhaafay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *