Itoobiya oo billowday inay koronto u dhoofiso dalka Kenya

Published: November 19, 2022
Shares38

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay billowday inay koronto u dhoofiso Kenya, sida uu dhigayo heshiis 25 sano ah oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.

Itoobiya horraantii sanadkan ay ku dhawaaqday inay bilowday inay koronto ka dhaliso mashruuca biyo xireenka weyn ee ay ka waddo webiga Niil.

Waaxda Korontada Itoobiya ee (EEP) ayaa sheegtay in khadka isku xira labada dal oo ay ku kacayso 500 milyan oo doolar uu awood u leeyahay inuu gudbiyo 2,000 megawatts, isla markaana uu soo saaro ilaa 100 milyan oo doolar sannadkii.

Hay’adda Shidaalka iyo Tamarta ee Kenya (EPRA) ayaa xaqiijisay inay Khamiistii bilowday inay koronto ka keensato dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa markii ugu horreysay biloowday inay koronto ka dhaliso biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ee ku yaal webiga Blue Nile bishii Agoosto, waxayna bishii Ogosto ku dhawaaqday in marawaxadaha labaad ay bilaabeen inay soo saaraan koronto.

Horseed Media