Itoobiya oo bilowday inay Koronto Ka dhaliso Biyo Xireenka lagu murransan yahay

Published: February 20, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si rasmi ah u daah furay wax soo saarka koronto ee biyo xireenka weyn ee wabiga Niilka Buluuga ah, taasoo ah mid taariikhi ah oo laga gaaray mashruuca ku kacay balaayiin doollar ee muranka ka dhex dhaliyay dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudaan.

Sudan iyo Masar ayaa biyo xidheenka [Grand Ethiopian Renaissance Dam] u arka khatar hoos u dhigi karta biyaha wabiga Nile oo ay ku nool yihiin dalalkaasi, balse Itoobiya ayaa u aragta mid lama huraan u ah horumarkeeda.

Abiy oo ay wehelinayaan saraakiil sarsare ayaa booqday xarunta tamarta laga dhaliyo maanta oo Axad ah, isagoo si rasmi ah xariga uga jaray warshada korontada dhalisa ee Biyo-Xireenkaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *