Itoobiya oo duqeymo ka geystay qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Published: August 7, 2022
Shares774

Diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ayaa maanta duqeymo ka geystay qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa ka dhacday deegaanada Bacda, Qabno iyo Cowmaad oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sida laga soo xigtay dadka deegaanka, duqeynta ayaa la la beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya iyo dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dhawaan ayey aheyd markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaano dhaca xadka Itoobiya oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *