Itoobiya oo iska fogeysay eeda hubkii lagu qabtay Galgaduud

Published: July 26, 2024

Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay qoraal ay iskaga fogeynayso eedeymihii ay dowladda federaalka Soomaaliya u jeedisay, oo ay ugu dambeysay middii hubka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo ku qornaa Af-Soomaali ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto weedhaha kicinta ah ee soo noq-noqday ee kasoo yeeraya dowladda federaalka Soomaaliya.

“Si ka duwan eedeymaha aan salka lahayn ee dowladda Soomaaliya, sodon sanno iyo dheeraad Itoobiya waxay si hagar la’aan ah ugu tafoxaydnayd ka shaqaynta xaslloonida iyo dawlad dhiska dadka walaalaha ee Soomaaliya oo ay u hurtay naf iyo maal,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Itoobiya.

Itoobiya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay hadallo ay ku tilmaamtay kuwa aan loo meel dayin iyo masuuliyad darro oo ay ku kaceen marar kala duwan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, si ay muhmal u galiyaan doorka togan ee dowladda Itoobiya ku leedahay dowladnimada Soomaaliya, sida lagu yiri qoraalka.

“Iyada oo maanka lagu hayo isku tiirsanaanta xooggan ee mandaqada, xidhiidhka dhaqanka iyo midka taariikheed ee ku dhidban dhiigga iyo dhidid wadaagga, Itoobiya waxay qaadatay in aysan dheg jalaq u siin eedeymaha marin habowsan ee kasoo burqanaya madaxda Soomaaliya.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Itoobiya oo ay u muuqato garadarrada eedaymaha qaawan ee lala daba socdo, waxay haddana door bidday in ay qaado hilinta samirka, qal-qaalada togan iyo baxnaannada danta guud ee dadkeenna aan marnaba kala maarmayn.”

Sidoo kale waxay Itoobiya walaac ka muujisay ka ganacsiga hubka fudud ee kusoo qul-qulaya Geeska Afrika, loolanka colaaddeed ee ka aloosan xeebaha iyo sidoo klae xuduudaha aan amnigooda gacanta lagu hayn, xilli dhawaan hub la sheegay inuu kasoo gudbay dhanka Itoobiya lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

“Itoobiya waxay sii wadi doontaa isbar-bartaagga walaalaha Soomaaliya si loo xaqiijiyo hiigsigooda ah helitaanka nabad waarta, xasillooni, horumar dhaqaale iyo iskaashiga gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka oo uu ku saxiixna afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.