Itoobiya Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Published: March 13, 2020

Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in kiiskii u horreeyay ee cudurka coronavirus laga helay dalkeeda sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaasi.

Wasiirka caafimaadka Dr Liya Tadesse oo shir jaraa’id ku qabtay Adisababa ayaa sheegay in Muwaadin u dhashay wadanka Japan laga helay cudurka coronovrus kaasi oo hadda la karantiilay

wuxuu kaloo sheegay in dhammaan dadkii uu xiriirka la yeeshay la aqoonsaday oo sidoo kale la karantiilay, baaritaan lagu samaynayo.

Kiiskan ayaa noqonaya kii labaad ee laga helo bariga afrika, iyadoo isla maanta dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in dalkeeda lagu arkay cudurka Coronovirus.

Kenya ayaa dhamman mamnuucday kulmada iyo dhacdooyinka waaweyn ee bulshada ay isugu yimaadaan si looga hortego cudurka coronavirus

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *