Itoobiya oo sheegtay in Jabhada TPLF ay hubkeeda ku wareejinayso ciidamada Dowladda

Published: December 1, 2022
Shares84

Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Bacha Debele, ayaa shaaca ka qaaday in jabhadda (TPLF) ay maalinta sabtida ah ay soo dhiibi doonto hubkeeda culculus, kadib wada hadalo dhex maray madaxda sare ee ciidamada Itoobiya iyo taliska TPLF.

Bacha ayaa sheegay in taliyeyaasha goobuhu ay kulmaan maalin walba si ay uga wada hadlaan habka hub ka dhigista, iyo dagaal yahanada kooxda TPLF la isugu keeno goobo cayiman.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inay tahay wax xun oo waji gabax ah in si fagaaro ah loogga hadlo khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF, ayaa horaantii bishii hore heshiis nabadeed ku kala saxeexday dalka Koonfur Afrika, si ay si nabad ah ugu soo afjaraan dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay, ee mudada labada sano ah socday.